Cusbooneysiintii u Danbeysay: Abril 2026
Sharcigeena guud waa innaan qiimeyno dhageysiga aragtiyo kala duwan oo arrintani ay keento saameyn weyn. Waxaannu sidaasi darteed ku dhiirigallinaynaa dhammaan fikradaha in loo wadaago qaab badqab, waxtar, iyo ixtiraam leh, lana xushmeeyo aragtiyaha, khibradaha, iyo fikradaha kala duwan. Waxa laga yaabaa inn aynaan markasta isku aragti noqon, balse khilaafku marnaba maaha cudur-daarka dhaqamada akhlaaq-xumadda iyo hab-dhaqanada liita. Markaad qeyb ka noqotid bulshada Loop, ku-talogal innaad toosnaatid, waxtartid, oo aad wanaag kusoo kordhisid.
Markasta yeelo filasho fiican. Faham oo aqoonso in dadku ku macaamilayaan habab kala duwan oo ay waajihi karaan caqabaddo kala duwan sida isticmaalka luuqaddooda hooyo, kasoo jeeddida dhaqamo kala duwan, ku noolaanshaha wakhtiyo kala duwan, waajihida caqabaddo kale si ay uga qeyb-galaan ama aannay garaneyn aaddaabta baraha bulshada.
Sida aannu iskula hadalno ayaa tusaale u ah xubnaha cusub ee ku biiraya bulshada Loop. Naga caawi innaan horrumarino mustaqbalka bulshadan adigoo dooranaya innaad kaqeyb-gashid doodo ka dhigaya madashan goob la jeclaysto iskana illaalinaya arrimaha aannay ka dhigayn.
Fadlan isticmaal agabka la heli karo si aad ugu sahashid bulshadu innay wada-jir u aqoonsato kaqeyb-galka ugu wanaagsan: la wadaagaan fikirkooda dadka kale, u coddeeyaan faallooyinka, ka jawaabaan rayi-cellinta, u gudbiyaan Loop wixii cabasho ama caqabaddo ah, la wadaagaan soo-jeedinaha horrumarinta turjumaada. Tani waxay gacan ka gaysanaysaa in bulshadu sida ugu fiican uga faa’idaysataan madasha.
Si loo sameeyo madal badqab iyo ixtiraam leh oo la dhageyso lagana qeyb-qaato, shaqaalaha rayi-cellintu waxay dibu-fiiriyaan dhammaan rayi-cellin kasta iyo jawaabaha kahor inta aann lasoo galin madasha furan. Haddii hagayaasha bulshada aann la raacin, shaqaaluhu waxay diidi karaan farriinta. Haddii la helo xogta lagala xidhiidhayo, shaqaalaha ayaa oggeysiin doona farriin-soo-diraha sababta diidmada oo kasiin kara tilmaam sida farriinta loo sixi karo ee si wanaagsan loogu daabici karo.
Loop waxay ku dhiirigallisaa dadku innay uga qeyb-qaataan si badqabta oo gaar ah si loo dhageysto codad badan. Sidaasi darteed, ma daabici doono farriin ama rayi-cellin ama jawaab uu kujiro xad-gudub ama dhibaatayn.
Kuma hawlnaan kartid dhibaataynta lala beegsanayo qof ama ku kicinta dad kale innay sameeyaan sidaasi. Arrintani waxa kujira rabitaan ama jeclaysiga in qofku la kulmo waxyeelo jidheed, cay ama quudhsi. Waxa kale oo ku jira faallooyinka ama kaftan galmo la xidhiidha ku kicistooda.
Loop waxay si waxtar leh u caawin kartaa xogta si ay gacan uga gaysato horrumarinta adeeg bixinta haddii dad badan oo kasoo jeeda meelo kala duwan ka qeyb-qaadan kartaa innay wadaagaan, oggaadaan, oo ay kaqeyb-galaan madasha. Waxaannu dhiirigallinaynaa aragtiyaha cusub in la maqlo lana dhageysto si loogu noqdo tusaale firfircoon.
Farriimaha dhiirigallinaya hab-dhaqan naceyb ah, rabshad, argagixiso/xag-jirnnimo, ka faa’idaysi ama ismiidaamin/is-waxyeelayn lama daabici doono.
Farriimaha ama jawaabaha tilmaamaya baahi caawimo oo ay sababeen fikrado ismiidaamin ama is-wax-yeelayn laguma daabici doono madasha furan. Gudbinta noocan ah waxa loo tixgalin doonaa farriin xasaasi ah, oo maareeyaha kiiska ayaa la xidhiidhi doonaa adeeg-sadaha si loo siiyo caawimo loona aqoonsado baahiyaha degdega ama khayraadka kasta oo lagu hubinayo badqabkiisa iyo nafiskiisa.
Loop waxay ku dhiirigallinaysaa dadku innay iyaggu sheegaan aragtiyahooda iyo khibradahooda, xataa haddii arrintu ku saleysan tahay wax qofkale u sheegay. Tani waxay gacan ka gaysanaysaa in la hubiyo in farriin kastaa matalayso hal khibrad iyo aragtida hal qof si loo hubiyo matallaada fikradaha iyo khibradaha oo cadaallad ah.
Noocyadan soo socda ee xogta lama daabici doono:
War been ah waa eray loo isticmaalo in lagu sharxo sheekooyinka wararka khiyaaliga ah ee loo sameeyey si loogu taageero ajandayaal gaara. Waa macluumaad been ah oo loo sameeyey qaab u eekaysiinaya warbixin lagu kalsoonaan karo.
Macluumaad qaldan waa macluumaad qaldan ama marin-habaabin ah oo loosoo dhigay qaab xaqiiqo ah, kutalo-gal ama kama.
Macluumaad sameys ah waa macluumaad si ula-kac ah u qaldan. Macluumaad been ah waxa ku jiri kara macluumaad la sameeyey, sida tiro-koob ama fikrado saynis.
Siyaabaha lagu aqoonsanayo war been ah, macluuqaad qaldan iyo macluumaad sameys ah waxa laga heli karaa halkan.
Waxaad kaga turjumi kartaa boggaga la xusay Soomaali adoo isticmaalaya sitingiska barawsarkaaga
Loop waxay rabtaa in Aannay Dhibaato ugu Gaysan shakhsiyaadka iyo haayaddaha farriimaha la baahiyo ama jawaabaha Loop. Farriimaha ama jawaabaha lalama wadaagi doono dadweynaha haddii arrintaasi ku keenayso shakhsiyaadka ama haayadda khatar. Haddii farriimaha qaar yihiin xasaasi, laguma daabici doono madasha furan, baddelkeedana waxa loo gudbin doonaa qofka kamasuulka ah ee haayadda ay khusayso si uu uga qaado tallaabada kuhaboon.
Boggani waxa hadda lagu helayaa kaliya Ingiriisi.
Dhammaan farriimuhu waa innay ixtiraamaan xuquuqda dadka ee asturnaanta iyo qarsoonaanta.
Macluumaadka gaarka ah: Ma daabici kartid ama baahin kartid macluumaadka gaarka ee dadka kale (sida lambarka taleefanka iyo ciwaanka) bilaa oggolaanshahooda tooska ah iyo fasaxooda.
Haddii aad dareentid inn farriin ama jawaab la daabacay ama baahiyey ay jabinayso nidaamyada ama xeerarka sare, waxaad codsan kartaa innaan ka saarno. Fadlan dooro 3 dhibcood ee dhanka midigta sare ee farriintan, dooro “gudbi codsi si looga saaro” oo buuxi foomka.

Waxaad codsan kartaa in laga saaro farriin ama jawaab ku socota farriin mid kamida luuqaddaha madasheena. Waxaannu heli doonaa codsigaaga markiiba oo haddii aad reebtid iimaylkaaga waxaad ku heli doontaa jawaab 48 saac gudohood.
Si ay illaaliso bulshadeena, Loop waxay xaq u leedahay innay ku saarto xog kasta iyo akoon kasta oo isticmaale sabab kasta wakhti kasta. Shaqaalaha ayaa fiiriya dhammaan farriimaha cusub; Hogaanka Shaqaalaha ee Dalka iyo khubarada caalamka ayaa aad ugu daddaalla innay illaaliyaan badqabka guud ee madasha; haseyeeshee ma qaadi karno masuuulliyadda xog kasta oo ay soo galiyaan bulshadu.
Waxaannu isticmaalnay Shuruucda X iyo Mozilla iyo Xeerarka Anshaxa si ay u hagaan dhukumentigan. Waxaannu horrumarin doonaa oo aannu cusbooneysiin doonaa markasta oo aann oggaano oo aannu sii kobacno.